Waxa Qoraal qabto oo dhan
Liiska astaamaha Qoraal, oo loo kala qaaday waxa aad rabto inaad samayso. Qoraal waa bilaash, wuxuuna ku shaqeeyaa af Soomaali iyo Ingiriisi, app-ka iyo WhatsApp-ba.
Qoraallo
- Qoraal caadi ah iyo liisas calaamadayn leh.
- Sawirro, faylal iyo cod — app-ka ama WhatsApp.
- Summado iyo midabbo.
- Meel-dhigis iyo qashin.
- Raadin eray kasta.
Hawlo iyo xasuusin
- Taariikh iyo saac — app-ka ama fariin ("beri 10-ka").
- Xasuusin WhatsApp ah, iyo SMS marka kaydkaas shidan yahay.
- Hawlo soo noqnoqda: maalin kasta, maalmaha shaqada, toddobaad kasta, laba toddobaad kasta, bil kasta, sannad kasta.
- Tallaabooyin (hawlo yaryar).
- Hal xasuusin marka hawl la xilsaaray dib u dhacdo.
Kooxo
- Liis hawleed oo koox wadaagto, qaybta Shaqada.
- Hawl qof magaciisa loo xilsaaro, WhatsApp-na loogu sheego.
- Taariikhda hawl kasta: cidda samaysay, beddeshay iyo dhammaysay.
WhatsApp iyo kaaliyaha
- Fariin kasta waxay noqonaysaa qoraal ama hawl.
- "Maxaa maanta ii yaala?" — liiskaaga ayaa laguu soo dirayaa.
- "Dhamee kirada" — hawsha magacaas leh waa la dhammaynayaa.
- Kaaliye ka jawaaba qoraalladaada iyo hawlahaaga.