Barashadeydii Digital Marketing
Magaceygu waa Nashaad Cabdirisaq Diiriye Jaamacada Hormuud ayaan ka Bilaabay Course da Digital Marketing Waxaan bilaabay sanadkan Dhaxdiisa waxana doonaayay inaan kordhiyo aqoontayda iyo xirfadahayga la xiriira marketing madama aan Baratay Banking and Finance. Intii aan waxbarashadayda Banking and Finance ku jiray , waxaan ogaaday in Marketingku uu yahay mid Muhiim ah oo ka mid ah ganacsiga, sababtoo ah wuxuu ka caawiyaa shirkadaha, ganacsiyada iyo Bulashadaba inay si fiican ula xiriiraan macaamiishooda isla markaana ay kor uqaadan adeegyadooda iyo badeecadahooda.
Sababta ugu weyn ee aan u doortay inaan barto digital Marketing waa xiisaha aan u qabo ganacsiga iyo sida loo horumariyo. Waxaan mar walba jeclaa inaan fahmo sida shirkadaha waaweyn ay u soo jiitaan macaamiisha iyo sida xayeysiisyadu saameyn ugu yeeshaan go’aanada dadka Sidoo kale waxaan Aaminsanahay Nashaad ahaan in xirfadaha Marketing-ku ay muhiim u yihiin qof kasta oo doonaya inuu yeesho ganacsi ama uu ka shaqeeyo wax walbo oo Quseeya ganacsiga.
Waxaan koorsadan ugu soo biiray si aan u helo aqoon dheeraad ah Taaso La xariirta Hoostimadana Banking and Finance iina sahlaysa inaan la jaanqaado isbedelka iyo hababka cusub ee Marketing ka . Hadafkeyga ugu weyn waxaa waaye inaan barto xirfado Badan kuwaasoo iga Caawinaya mustaqbalka inaan ugu Faaideysto shaqadayda iyo horumarkayga shaqsiyadeed.
Intii aan koorsadan ku jiray waxaan bartay wax yaabo badan oo muhiim ah. Waxaan fahmay macnaha Marketingka iyo qaybta weyn uu ku leeyahay Hormarka ganacsiga. Sidoo kale waxaan bartay muhiimadda ay leedahay in la fahmo baahiyaha macaamiisha iyo sida loo abuuro xiriir wanaagsan oo dhexmara ganacsiga iyo macaamiisha.
Waxaa kale oo aan bartay Digital Marketing iyo sida loo isticmaalo baraha bulshada iyadao la gaarsiinayo fariimaha ganacsiga dad badan. Waxaan kaloo Bartay contents sida loo sameyo Waxaan Kaloo fahmay Muhiimada ay leedahay sameynta content tayo leh iyo sida naqshadaha wanaagsan ay u soo jiidan karaan macaamiisha. waxaan kale aan bartay sida loo isticmaalo Appka Canva si loo abuuro xayeysiisyo iyo
MuuqaLo soo jiidasho leh.
Course dani waxay ii kordhisay kalsoonidayda waxayna iga caawisay inaan helo aragti cusub oo ku saabsan ganacsiga iyo Marketing ka . Waxaan aaminsanahay in aqoonta aan ka helay koorsadan ay mustaqbalka iga caawin doonto inaan gaaro hadafkeyga shaqo iyo kuwa ganacsi.
ku biirista Course dan Digital marketing ka waxay ahayd go’aan wanaagsan oo ii horseeday inaan barto xirfado cusub iyo aqoon muhiim ah. Waxaan rajeynayaa inaan sii wado barashada Marketing ka oo aan aqoontaas u adeegsado horumarinta nafteyda iyo bulshada.