Qoraal
Sign in

Essay

Digital Marketing Course

Safareygii Fikardaha Suuqgeynta u Bedelay inaa Noqdo Xirfadle ka Talo bixin karo Digital Marketing.

July 2026

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:8.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:107%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;} Bismillaah 6 May 2026 waxa bilaabay Digital Marketing Course ayaa ka Bilaabay Jamacadda Hormuud qeybta Hormuud Sklls Centre   waxaa u dhaliyay  inaa bilaabo  koriskan     waxaa u bahaaday inaa  kobciyo    ganacsiyo yar  aan leenahay     oo  iibiya Dharka dumarka Nocyadiisa kala duban  waxaa go,aan saday inaa   u sameyo  Social media  oo u maaamulo  dunida wexey u guutay Internetka   ganacsi aan leheyn  Social Media akoon ku leheyn  waxaa ku adag inuu Macaamiil  sidaas darted  Walalkey iga weyn baa share igu diray  koorsadaan oo laso dhigay pageka rasmiga Jamacada oo hormuud  iyo Ustad Harun Waque  oo Certified  Digtal Markting   oo hadana ku Shaqeeya ayaa igu dhiiri geliyay inaa bilaabo koorsadaan.

Waxyaabaha aan ku bartay koorsadaan  oo aan ka  fahmay waa   labo xirfadood oo kala  Digital Marketing iyo Canva, kuwaas oo ah xirfado muhiim ah oo maanta si  Si weyn looga isticmaalo ganacsyada iyo suuq-geynta  casriga ah .

Digital Marketing-ka waxaan ku bartay sida loo suuq-geeyo badeecooyinka  iyo adeegyada  iyadoo Isticmaalayo  internet-ka iyo aaladaha dijitaalka ah.

Waxaan sidoo kale ku bartay Social Media Marketing, taas oo iga caawisay inaan fahmo sida loo isticmaalo Facebook, Instagram,  pinterest , Whatsapp,TikTok, iyo baraha kale ee bulshada si loo helo  macaamiil badan. Waxaan bartay sida loo sameeyo content soo jiidasho leh, loo qorsheeyo jadwalka qoraallada, iyo sida loo kordhiyo la falgalka macaamiisha.

Waxaa kala fahmay Sadax nooc oo ka mid Xayeesinta  Sida :_

1.   Content Marketing, oo abuurista iyo wadaagista macluumaad qiimo leh si loo soo jiito macaamiisha. Tani waxay noqon kartaa qoraallo, sawirro, muuqaal (video), ama infographic. Content wanaagsan wuxuu ka caawiyaa ganacsiga inuu helo kalsoonida macaamiisha.

2.   Search Engine Optimization (SEO). SEO waa farsamo lagu hagaajiyo website-ka si uu uga soo muuqdo bogagga hore ee Google marka dadku wax raadinayaan. Tani waxay kordhisaa booqashada website-ka iyada oo aan lacag badan lagu bixin xayeysiis.

3.   Email Marketing, waxaa ogaaday in uu aad muhiim u yahy isticmaalka email-ka si loola xiriiro macaamiisha. Waxaad baraneysaa sida loo qoro email heer sare loo abuuro ololeyaal suuq-geyn, oo wax ku ool ah.

QEYBA CANVA PRO

Canva gudaheeda, waxaan ku bartay sida loo sameeyo naqshado kala duwan sida social media posts, flyers, brochures, business cards, posters, logos, iyo presentations. Waxaan bartay isticmaalka templates-ka Canva iyo sida loo habeeyo midabada, font-yada, sawirrada, iyo icons-ka si loo abuuro naqshado qurux badan.

Sidoo kale waxaan ku bartay Canva sida loo sameeyo videos gaagaaban, animations, iyo content muuqaal ah oo ku habboon suuq-geynta digital ah. Xirfadahan waxay iga caawiyeen inaan abuuro karo content tayo leh oo sojiidanayo macaamiisha kana caawinaya ganacsiyada inay gaaraan yoolalkooda.

Guud ahaan, barashada Digital Marketing iyo Canva waxay ii kordhisay aqoonta iyo xirfad aan aad igu baahanaa si aan u horumariyo ganacsi sidoo kale fudadaha qarkood u bedeli karo wax macno u leh  Bulshada oo laga macaashi karo  oo wax ku ool ah.

 Dhanka kala  korsdan waxey bedeshy Nolosheyda  iyo Fikirkii  aan ka qabay Digital marketing Digital Marketing wax iska  Fudud oo aan macno badan lehyn  ayaa ka aaminsanaa horey laakin Hadda  ogaday in ay tahy Barta ugu Muhiimsan oo laga fiiriyo ganacsiga  iyo waxaayaabaha go,aamiya sii jiritaanka ganacsiga.

Waxaan sameyn karaa brand, logo, poster nooc kasto  iyo video editing oo Capcut la istimalayo. Waxaa wax yaabo badan oo aan ka faa,iday coursakan oo inta lagu so koobi Karin.

 

Written by HUSSEIN NOR ISAK

Written by HUSSEIN NOR ISAK