Safarkayga digital marketing
Degital marketing and canva
Waxaan aad ugu faraxsanahay anigoo ah Fardawsa Abdikadir inaan fursad u helay inaan barto koorsada Digital Marketing-ka, taas oo ii noqotay safar muhiim ah oo aan ku horumariyay aqoontayda iyo xirfadahayga. Bilowgii koorsada waxaan lahaa faham kooban oo ku saabsan suuq-geynta dijitaalka ah, laakiin maanta waxaan dareemayaa isbeddel weyn oo ku yimid aqoontayda .
Intii aan ku jiray koorsada, waxaan bartay waxyaabo badan oo muhiim u ah dunida ganacsiga maanta. Digital Marketing ma ahan oo kaliya xayeysiin lagu sameeyo internet-ka, balse waa sida ganacsiyada loogu dhiso xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan macaamiishooda iyagoo adeegsanaya aaladaha dijitaalka ah.
Waxaan si gaar ah u bartay Social Media Marketing iyo sida loo isticmaalo baraha bulshada sida Facebook, Instagram, TikTok, iyo LinkedIn si ganacsi loo horumariyo. Waxaan fahmay sida loo sameeyo content soo jiita dadka, sida loo qorsheeyo qoraallada la daabacayo, iyo sida loola falgalo macaamiisha si loo dhiso kalsooni.
Sidoo kale waxaan bartay Content Creation, taas oo ah xirfad muhiim ah oo iga caawisay inaan fahmo sida loo abuuro sawirro, muuqaallo, iyo naqshado dadka soo jiita. Content wanaagsan wuxuu door weyn ka qaataa in ganacsi uu helo muuqaal wanaagsan iyo macaamiil badan.
Markii aan bilaabaye koorsadaan, ma aanan laheyn aqoon badan oo ku saabsan Nashqadaha iyo content-ka muuqaalka ah.Lkn hada waxaan awoodaa in aan isticmaalo canva si aan u sameeyo si aan usameeyo posters , logos.
Sababta igu dhiiri galisay in aan barto Digital Marketing waxay ahayd inaan arkay muhiimadda ay leedahay in ganacsiyada maanta ay yeeshaan joogitaan online ah. Waxaan arkay ganacsiyo badan oo u baahan in si wanaagsan loogu soo bandhigo baraha bulshada, taas oo iga dhigtay inaan xiiseeyo xirfaddan.