Qoraal
Sign in

Blog

Safarkeygii Xirafadda Digital-ka

Xirfadda Digital-ka suuqgeynta.

June 2026

Xirafdda suuqgeynta digital-ka ah waa hab lagu suuqgeeyo alaabaha ay iibinayso shirkadda,iyadoo la adeegsanaayo internet-ka, sida platforms kala duwan ee kala ah; Facebook, Instagram, Tiktok, iyo linkledin.

habkaan oo ah hab casri ah kaa oo markaa u fududeenaya shirkadda in ay hesho ama ay soo booqdaan macmiil fara badan kuwaa oo markaa wax ka iibsada.

Barashadeydii xirfaddan ayaa waxaa ay ii ahyd mid xiiso gaar ah, sababtoo ah, intii aan ku jiray safarkeygii waxbarashada bachelor-ka ayaa in badan maqli jiray oo ay dhagaheygu ku dhici jireen xirafadda digital-ka suuqgeynta. waxa jira sababo kale oo igu riixayey in aan barto sida in aan badiyo fursadaha aan u heli karo shaqo helida xagga suuqa, oo waxaa la dhahaa " Mar walba oo ay xirfadahagu badanyihiin, suuqa isaga ayaa kuu baahan " waxaase jaanis u helaysaa in aad hesho shaqooyin badan.

Inkasta oo aan is leeyahy waad kasoo daahday barashada xirfaddan, haddana waxaan dareemayaa in ay aqoonbadani iiga korodhay xagga suuqgeynta casriga.

Bilowgii xirfaddan waxa aan is barbardhig ku sameyeey xirfadda naqshadeynta guryaha iyo xirfadda suuqgeynta casriga ah, iyadoo markii danbe aan u istikhaareeyey kadibna aan bisinka u qabtay in aan bilaabo xirfaddan.

Hadda waxaan haystaa shahaadada aasaaska xirfadda suuqgeynta casriga oo aan ka qaatay shirkadda google, fursadaas oo aan ka helay coursera iyo kiron platforms. sidoo kale waxaan hadda ka diyaarinayaa isla cours-kaan jaamacadda hormuud, qeybteda xirfadaha, waxaana uga mahadcelinayaa fursadda ay inoo siiyeen in aan xirfaddan barano.

-Abdullahi Adam Salah -suuqgeeye casri ah, beeraley, qoraa

Written by ABDULLAHI ADAM SALAH