Qoraal
Sign in

Blog

Digital Marketing

Xirfadda suuqgeynta casriga ah

July 2026

Dunida casriga hadba waxaa hogaamiya technology-da casriga taa oo marwalba ka qeyb qaadata xal u helida ama fududeynta shayga markaa la rabo in bulshadu gaarto lacagna laga sameeyo.

waxaa dabayaaqadii bishii may ka bilaabay xarunta xirfadaha ee jaamacadda Hormuud University, xirfadda suuqgeynta casriga ah taa oo ii suurta galisay in aan wax badan ka ogaado xirfadaas iyo muhiimadda ay u leedahay ganacsiyada jira ee aan u warheyn ama ku kooban suuqgeynta tardation-ka ahyd.

waxaan wax badan ka ogaaday xeeladaha suuqgeynta casriga ee haddii uu suuqgeeyuhu istocmaalo uu heli karo xogta suuqa taala, alaabtiisana uu gaarsiin karo dad badan. waxaan bartay wadooyinka uu maro iibsadaha (customer) si uu alaab u iibsado, kadibna loogu qanciyo ama la abuuro xeelad ku abuuraysa iibsadaha in uu mar kale alaab kaa iibsado. xeeladahaa suuqgeynta waxaan ka sheegi karnaa si kooban; - Awerness: oo ah in uu campany-ga dadka uu baro alaabihiisa iyo brand-giisaba, isagoo markaa u maraayo, suuqgeynta media ( Social media marketing ), sidoo kale adeegsanaayo gaarsiiyaha suuqgeynta ( google ads), si dadka u bartaan.-Consideration= in campany uu uu ma kale alaabihiisa soo bandhigo ( remarketing ku sameeyo ) si mar kale ay indhaha dadka ugu bataan.-Conversion= oo ah xaaladda qofka iibsadaha ah ( customer ) kaas oo raba in uu wax kaa iibsado, adna aad u diyaariso qaabka uu wax kaaga iibsan lahaa una fududeyso. si aad ugu fududeeso waxaad isticmaali kartaa, whatsapp massege qofka quick reply u sameenayo una fududeenayo in uu wax kaa iibsado.-Loyalty= oo ah in comapny uu sameeyo qaab uu qofkii wax kaa iibsaday uu ku soo laaban karo , ama si fudud in la abuuro xeelad qofku ku abuuraysa in uu soo laabto sida; in marka uu alaab kaa iibsadaba isbuuc ama dhowr maalin kadib aad fariin u dirto, taa oo aad ugu sheegeyso in alaabtaadu qancisay, diyaar aad u tahay mar kale in aad ka iibiso alaabo qancinaya macmiilka iwm.

Waxaan sidoo kale dhiganay in content micne leh aan abuuri karno, si aan u suuqgeyn karno alaabaha markaa campany uu leeyahy.

Kadib markaan wax badan ka ogaaday xirfadda suuqgeynta casriga ah, waxaan bilaabay in aan wax badan kasii ogaado. waxaan shirkadda google ka qaatay shahaadada suuqgeynta casriga ah iyo e-commerce( google digital marketing and e-commerce). taas oo iyana wax badan ii sii kordhisay.

Written by ABDULLAHI ADAM SALAH