Khibradeyda Koorsada Marketing ka
Sababta aan u Doortay iyo Waxa aan Ka Bartay
Waqtigan lagu jiro tiknoolajiyada si xawli ah ayey u kobceysaa barashada xirfadaha la xiriira digital ka waxay noqotay mid aad muhiim u ah Gaar ahaan marketing ku wuxuu noqday laf dhabarta ganacsi kasta sababtoo ah waa habka lagu gaaro macaamiisha laguna kobciyo sumadda ganacsiga Aniguna waxaan go’aan ku gaaray inaan barto xirfadda marketing ka si aan ula jaan qaado isbeddelka dunida casriga ah isla markaana aan u hormariyo nafteyda iyo xirfadahayga.
Sababta igu dhiirrigelisay inaan ku biiro koorsadan waxay ahayd inaan dareemay in barashada marketing-ku ay muhiim u tahay qof kasta oo doonaya inuu horumar sameeyo gaar ahaan aniga oo ah qof xiiseeya design ka iyo hal abuurka Waxaan rabay inaan fahmo sida loo sameeyo content soo jiidasho leh iyo sidoo in content gaasu si cad ugaaro dadkii saxda ahaa oo loogu tala galay.
Intii aan ku jiray koorsada, wax badan ayaan ka bartay oo marketing ka ah Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan bartay waa content pillars Hadda waxaan si fiican u kala fahmi karaa noocyada content ga sida inuu yahay educational, entertainment, ama inspirational Marka aan arko post si fudud ayaan u garan karaa ujeedadiisa iyo waxa uu doonayo inuu gaarsiiyo dadka Tani waxay iga caawisay inaan si xirfad leh u qorsheeyo content-ka aan sameynayo. Sidoo kale, waxaan bartay isticmaalka Canva, oo ah tool muhiim ah oo lagu sameeyo designs. Hadda waxaan awood u leeyahay inaan si kalsooni leh u sameeyo posts kala duwan anigoo isticmaalaya qaabab casri ah iyo midabyo is waafaqsan Canva waxay ii fududeysay inaan fikradaha maskaxdeyda ku jira u beddelo design qurux badan oo dadka soo jiidanaaya. Waxa kale oo aan bartay sida loo qoro captions ka taas oo ah qayb aad muhiim ugu ah marketing ka Waxaan fahmay in caption ku uusan ahayn kaliya qoraal lagu lifaaqo sawir balse uu yahay fariin awood leh oo dadka ku qancin karta inay falceliyaan Hadda waxaan kala garan karaa noocyada captions ka iyo sida loo qoro mid kasta iyadoona ku xiran ujeedada post ka. iyo inaa bartay design priceless oo aan hada kala fahamsanahay Hierarchy, contrast, alignment, consistence iyo white space aana ogahay mid kasta shaqada uu qabto iyo sida ay uga qeyb qaataan quruxda design ka.
Intaa waxaa dheer koorsadani waxay iga caawisay inaan yeesho aragti ka duwan tii hore ee ku saabsan baraha bulshada. Hore waxaan u arki jiray baraha bulshada meel la iskula wadaago sawirro kaliya, balse hadda waxaan u arkaa aalad awood leh oo lagu dhiso brand, lagu kasbado macaamiil, laguna abuuro fursado ganacsi.
Ugu dambeyn, waxaan dhihi karaa koorsadan marketing ka waxay ii ahayd mid faa’iido ii leh oo wax badan iga badashay Waxay ii furtay albaab cusub oo aqoon iyo xirfad ah waxayna iga caawisay inaan si kalsooni leh u horumariyo nafteyda Waxaan rajeynayaa inaan sii wado barashada iyo ku dhaqanka waxa aan bartay si aan u gaaro guulo waaweyn mustaqbalka.
Abdullahi Yusuf MohamudSocial Media Manager | Graphic Designer / script writer| Content Creator
End